Diinta Islaamku waxay dhigaysaa in xeerka ugu horeeya ee labada qof ee Muslimka ah isku xidhaa yahay xidhiidhka ay la leeyihiin Ilaahay!
Raad Raac Su’aaleed Muhiim ah
waydiini ma xuma wax is waydaaris baa daran!
Waxa dhacaysa in dad badani kula soo xidhiidhaan weliba hadaad gabadh ama haweeney guur doon ah tahay. Waxayna u badan tahay in dad badan aad ku reebto qoraalka ay kuusoo qoreen oo aanadba u jawaabin. Way adagtahay in qof walba aad u jawaabtaa weliba marka aad qoraalka ruuxa ka fahanto in aydaan isku door ahayn. Hadaba marka aad aragto qof ama dhowr qof oo uu qoraalkoodu xadanteeyey beerkaaga ama qalbigaaga, waa muhiim in aad su’aalahan waydiiso. Su’aalahani waxay xambaarsan yihiin khibrad culus oo kuu hawl yaraynaysa inaad kala garato in qofkani yahay qof u qalma inaad halkan la dhaafto.